Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya xaaladaha Taiwan iyo Ukraine?

Image
Duulaanka Ruushka ku qaadey Kyiv ayaa sababay cabsi ah in Shiinaha guluf ku qaadi karo Taiwan.

WASHINGTON, USA – Wafdi ka kooban saraakiishii hore ee difaaca iyo amniga ee Mareykanka oo uu magacaabay madaxweyne Joe Biden ayaa gaaray magaalada Taipei caasimadda Taiwan, iyadoo oo uu wali socdo dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Kooxdaan, waxaa gudoomiyaha madixii hore ciidanka Maraykanka Mike Mullen, waxaana socdaalka lagu soo beegantay xilli Taiwan ay sare u qaaday heerka feejignaanta, iyadoo ka cabsanaysa in Shiinuhu uu ka faa’iidaysto adduunka oo ku mashquulay in uu ka taageero weerar uga yimaada Beijing.

Ra'iisul wasaaraha Taiwan, Su Tseng-chang, ayaa u sheegay warfidiyeenka in safarku uu muujinayo "muhiimada xiriirka Taiwan iyo Mareykanka iyo mowqifka Taiwan" iyo sidoo kale taageerada joogtada ah ee Mareykanka siiyo jasiiradaan. "Waa wax aad u wanaagsan," ayuu raaciyay.

Shiinaha oo cambaareeyay booqashada ayaa ku andacoonaya in jasiiradda sida dimuqraadiga ah loo maamulo ay iyadu leedahay, waxaana ay ballan qaaday in ay hoos geyn doonto Shiinaha, haddii loo baahdo.

"Rabitaanka dadka Shiinaha ee ah in ay difaacaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhulkeena waa ma guurto. Cid kasta oo Maraykanku u soo diro inay taageero u muujiso Taiwan waa hubaal inay guul-darrayso,” ayuu yir afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin oo ka hadlayay booqashada.

UKRINE v TAWAIN

Balse jasiiradaan ayaa qabta dareen hor leh oo ah hanjabaadda Shiinaha oo ku goodiyay in uu awood u adeegsanayo si uu u hoos geeyo dalwaynaha shacabka Shinaaha. Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha u dhexeeya Ukraine iyo Taiwan aad bay u kala duwan yihiin.

Taiwan waxa ay 160km (100 mayl) kaga beegan tahay marin biyoodka Taiwan ee ka xigta dhul weynaha Shiinaha, waxaanay taageero xooggan ka heshaa Maraykanka, kaas oo sharciyan ku xiran in uu hubiyo in jasiiraddaasi ay is difaaci karto, isla markaana khatar kasta oo ku soo fool leh ula dhaqanto arrimo “walaac hor leh”.

Shiinuhu ma dhaleecayn dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine, dhaleecayntiisa cunaqabataynta lagu soo rogay Moscow ayaa si weyn loogu arkaa calaamad muujinaysa inay ka go'an tahay iska caabinta labada waddan ee Washington iyo xulafadooda reer galbeedka, inkastoo Beijing ay muddo dheer difaacday mabda'a madax-bannaanida qaranka.

Taiwan ayaa sheegtay inay ku biiri doonto "wadamada dimuqraadiga ah" ee cunaqabataynta saaraya Ruushka, inkastoo ganacsiga ay la leedahay dalkaas uu yahay mid aad u yar. Waa soo saaraha ugu weyn ee semiconductor waxayna sheegtay in shirkadaha chip ay u hoggaansamaan kontaroolada dhoofinta Ruushka.

Mullen, oo ah admiral hawlgab ah oo ciidamada badda ah, isla markaana soo noqday sarkaalkii ugu sarreeyey ee ciidamada Maraykanka xilligii madaxweynayaashii hore ee George W Bush iyo Barack Obama, waxaa weheliya Meghan O'Sullivan, oo hore u ahaan jiray lataliye ku xigeenkii amniga qaranka ee Bush iyo Michele Flournoy, oo hore uga soo noqday. xoghayaha difaaca ee Obama.

Laba agaasime sare oo hore ee Golaha Amniga Qaranka ee Aasiya, Mike Green iyo Evan Medeiros, ayaa sidoo kale ku jira safarka.

DAAN-DAANSI v GARAB-ISTAAG

Kooxda ayaa diyaarad gaar ah kula soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Taipei ee hoose ee Songshan waxaana ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu.

Waxay la kulmi doonaan madaxweyne Tsai Ing-wen Arbacada, isla maalintaas xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa isna imaan doona, in kasta oo uu si gooni ah u imaanayo iyo muwaadin gaar ah.

Shiinuhu waxa uu maalin kasta u soo diri jiray diyaarado milatari aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Taiwan, Sabtidiina, wasaaradeeda difaaca ayaa ka ka hortimid talaabadaas oo ay ku tilmaantay daan-daansi.

Dhibaatada ayaa ka jirta biyaha caalamiga ah, ciidamada badda ee Maraykanka ayaa sheegay in marinka markabka "ay muujinayso sida ay Maraykanka uga go'an tahay Indo-Pacific xor ah oo furan".

Shiinaha ayaa si joogta ah uga mudaaharaadaya xiriirka uu Maraykanku la leeyahay dawladda Taiwan waxana uu bishii November ku dhawaaqay in ciidankeedu ay sameeyeen roondooyin diyaarsan oo dhinaca cirka iyo badda ah oo ay ku jiheeyeen marin biyoodka Taiwan ka dib markii shan xildhibaan oo Maraykan ah ay la kulmeen Tsai oo ay ku tageen booqasho aan la shaacin oo hal maalin ah.

Biden wuxuu raacay madaxdii isaga ka horreysay si uu u kordhiyo xiriirka u dhexeeya Taiwan iyo labada mas'uul ee maamula iyo kuwa hawlgabka ah, oo uu weheliyo iibinta qalab milatari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM