Muxuu yahay ujeedka shirka Turkiga u qabtey dalalka Afrika?

Image
Shir Madaxeedka Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa daba socda dhaq-dhaqaaqyo isdaba joog ah oo uu Turkigu wado.

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay shir-madaxeedkii ugu ballaarnaa ee ay madaxda Afrika ku yeesheen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, wuxuuna ku baaqay in la siiyo xubin Afrika u matasha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madax ka kala socota 16 dowladood oo Afrikaan ah, oo ay weheliyaan in ka badan 102 wasiir iyo wakiilo ka socda Midowga Afrika iyo ururka dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika ayaa ka qeybgalaya shirka Istanbul.

Shir Madaxeedka Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa daba socda dhaq-dhaqaaqyo isdaba joog ah oo uu Turkigu wado oo uu ku doonayo in uu kor ugu qaado xiriirka uu la leeyahay Qaaradda Afrika.

Bishii Oktoobar, Istanbul waxay martigelisay hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo daraasiin wasiirro ah oo ka socda waddamada Afrika shir madaxeed ujeeddadiisu tahay si gaar ah kor loogu qaado ganacsiga. Isla bishaas, Erdogan wuxuu booqday Angola, Nigeria, iyo Togo.

Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in Turkiga uu 15 milyan oo qiyaasood oo tallaalka COVID-19 ah la wadaagi doono dalalka Afrika bilaha soo socda, isaga oo intaa ku daray in “ay ceeb ku tahay guud ahaan bini’aadantinimada” in boqolkiiba 6 kaliya dadka la tallaalay.

Turkiga ayaa saldhig weyn ku leh Soomaaliya, halkaasoo uu ka caawiyay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dowladda iyo tababaridda ciidamada ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM

Al-Sisi oo ka digay “isku dayo ula kac ah” oo Israel ku beddelayso khariidadda Bariga Dhexe

Waxa uu sidoo kale si cad u muujiyay diidmada adag ee Masar ee ku aaddan isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:07PM