Namibia oo si adag uga soo horjeesatay taageerada Jarmalka ee xasuuqa Qasa

Image
Madaxweynaha Namibia ayaa ku baaqay inaan la iska indha tirin xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka Qasa.

Windhoek (GO) - Dowladda Namibia ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay si kulul ugu dhaleeceysay taageerada Jarmalka ee xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka aan waxba galabsan ee Qasa.

Bayaanka dowladda ayaa lagu yiri: “Jarmalku waxa uu Dhulka Namibia ka gaystay xasuuqii ugu horeeyay qarnigii labaatanaad laga bilaabo 1904 ilaa 1908, halkaas oo tobanaan kun oo Namibia ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen.”

Namibia ayaa sidoo kale dhaleeceysay dhaqanka uu Jarmalka u leeyahay taageerada xasuuqyada, iyo in aysan wax ka baran taariikhdeeda, sida ku xusan bayaanka, “Dawladda Jarmalka waxay ku guuldarraysatay in ay si buuxda uga garbaxdo xasuuqii ay ka geysatay Namibia.”

Waxaa intaas lla raaciyay, “Sidaa darteed, marka la eego sida Jarmalku u awoodi waayey inuu wax ka barto taariikhdiisa foosha xun, madaxweynuhu wuxuu muujinayaa sida uu uga xun yahay go’aankii ee ay shalay ku dhawaaqday dawladda Jarmalka.”

Madaxweynaha Namibia Geingob ayaa ku celiyay baaqii uu jeediyay December 31, 2023, in wadamada Caalamku ay iska indha tirin xasuuqa ay Israa’iil ku hayso dadka rayidka ah ee Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM