Nepal: Diyaarad ay saarnaayeen 72 rakaab ah oo burburtey

Image
Ra’iisul Wasaare Pushpa Kamaal Dahal ayaa shir deg deg ah isugu yeeray golihiisa Wasiirada.

KATHMANDU, Nepal - Diyaarad ay saarnaayeen 72 ruux rakaab ah ayaa ku burburtey meel ku dhow madaar ku yaala bartamaha dalka Nepal. Ugu yaraan 40 meyd ayaa illaa hadda la xaqiijiyey, sidda warbaahinta warisay.

Duulimaadka Yeti Airlines oo ka yimid caasimadda waddankaas Kathmandu ayaa wuxuu dab uu ka kacay iyada oo ku daganeysa magaalada loo dalxiiska caanka ku ah  ee Pokhara.

Ra’iisul Wasaare Pushpa Kamaal Dahal ayaa shir deg deg ah isugu yeeray golihiisa Wasiirada, wuxuuna ku booriyay hay’adaha dowladda inay ka shaqeeyaan gurmadka.

Rakaabka, 53 ka mid ah ayaa la sheegay inay u dhasheen Nepal. Diyaaradda waxaa saarnaa shan Hindi ah, afar Ruush ah iyo labo Kuuriyaan ah, sida xogta horudhaca ah ay muujineyso.

Mas'uuliyiin ayaa sidoo kale waxaa laga soo xigtey in uu jiro min hal rakaab ah oo ka yimid Ireland, Australia, Argentina iyo France iyo kuwo kale oo illaa haatan aan dhalashadooda la caddeyn.

Shilalka diyaaradaha maaha wax ku cusub dalka Nepal, inta badan waxaa sabab u ah dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee fogfog iyo isbeddellada cimillada ee lama filaanka ah ee keeni kara xaalado khatar ah.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Tara Air ayaa bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2022 waxay ku burburtay degmada Mustang ee waqooyiga Nepal, waxaana ku dhintay 22 qof.

Horraantii sanadkan 2018, 51 qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad ay leedahay shirkadda US-Bangla oo ka soo duushay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh uu dab qabsaday xilli ay ku degeysay magaalada Kathmandu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM