Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Image

Kathmandu – Dalka Nepal ayaa galay qalalaase siyaasadeed oo qoto dheer Talaadadii, kadib markii Madaxweynaha Ram Chandra Poudel uu is casilay, wax yar kadib markii uu xilka ka degay Ra’iisul Wasaare KP Sharma Oli, xilli mudaharaadyo xooggan ay gilgileen waddanka buuraleyda ah.

Labadan is-casilaad ayaa yimid iyadoo bannaanbaxyada ay sii xoogeysteen, kuwaas oo ay horkacayaan dhalinyarada Gen Z, kuwaas oo si weyn uga carooday xayiraadda baraha bulshada, musuqmaasuqa iyo eexda ka dhex jirta dowladda. Rabshadaha ayaa qarxay toddobaadkii hore kadib markii Ra’iisul Wasaare Oli uu mamnuucay baraha bulshada, xayiraaddaas oo la qaaday saacado hore oo Talaadadii ah kadib markii rabshaduhu noqdeen kuwa dhiig ku daato.

Dhanka kale, milateriga Nepal ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegayaan xaalada amniga dalka, maadaama aysan jirin hoggaan siyaasadeed oo shaqeynaya.

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka, midnimada qaran, iyo amniga shacabka reer Nepal," iyaga oo sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada, gaar ahaan kuwa mudaharaadaya, inay ka shaqeeyaan nabadda iyo is-afgaradka bulshada.

Rabshadaha ayaa ilaa iyo hadda sababay dhimashada ugu yaraan 22 qof, halka boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen intii u dhexeysay Isniintii iyo Talaadadii, iyadoo xiisaduhu aysan weli degin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weeraradii Iran Qaadeysay Oo Hoos U Dhac Ku Yimid, Sabab?

Duqeymaha ay wadaan ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah….

  • Caalamka

    06-03-2026

  • 12:57PM

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM