Netanyahu oo gudaha Qasa kaga dhawaaqay in uu sii wadi doono dagaalka

Image

QASA (GO) - Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa gaaray Marinka Qasa, isagoo ballan qaaday inuu sii wadi doono dagaalka halkaas ka socda.

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay muuqaallo muujinaya Netanyahu oo xidhan koofiyadda ciidamada iyo jaakadda aanay xabbadu karin.

Waxaa la sheegay in Netanyahu uu socdaal ku tagay Marinka Qasa, wuxuuna ka dhageystay Saraakiisha warbixinno ku saabsan howlgallada milateri.

Netanyahu waxaa socdaalkan ku weheliyay Lataliyaha Amniga Qaranka Israel Tzachi Hanegbi.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa hadallo uu jeediyay ku yiri: "Waxaan ku dadaali doonnaa inaan soo celinno dhammaan maxaabiista."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM