Netanyahu oo ka hadlay heshiis dhex mari doono Sacuudiga & Israa’iil

Image

NEW YORK, Maraykanka - Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii ku sheegay khudbad uu ka hor jeediyay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, in nabadda u dhexeysa Israa’iil iyo Sacuudiga ay furo u tahay nabadda gobolka oo dhan.

Netanyahu ayaa sheegay in heshiiska Sacuudiga iyo Israa’iil uu dib u qaabeyn doono Bariga Dhexe, Waxa uuan sheegay in Madaxweynaha Mareykanka.uu yahay qofka suurtagalin kara heshiiskan.

Waxa uu intaa ku daray in heshiiskii Abraham uu albaabada u furay xilli taariikhi ah oo nabadeed, isaga oo xaiijiyay in heshiisyada ay la galeen wadamada carabta ay kordhineyso fursadaha in nabad laga gaaro dhibaatada ka taagan Falastiin.

Netanyahu ayaa ku booriyay Falastiiniyiinta inay la heshiiyaan jiritaanka dowladda Yahuudda, isagoo ku nuux-nuux saday in aysan xaq u lahayn inay diidaan heshiisyada nabadeed ee ay la galayaan dalalka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM