Netanyahu oo ka hadlay heshiis dhex mari doono Sacuudiga & Israa’iil

Image

NEW YORK, Maraykanka - Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii ku sheegay khudbad uu ka hor jeediyay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, in nabadda u dhexeysa Israa’iil iyo Sacuudiga ay furo u tahay nabadda gobolka oo dhan.

Netanyahu ayaa sheegay in heshiiska Sacuudiga iyo Israa’iil uu dib u qaabeyn doono Bariga Dhexe, Waxa uuan sheegay in Madaxweynaha Mareykanka.uu yahay qofka suurtagalin kara heshiiskan.

Waxa uu intaa ku daray in heshiiskii Abraham uu albaabada u furay xilli taariikhi ah oo nabadeed, isaga oo xaiijiyay in heshiisyada ay la galeen wadamada carabta ay kordhineyso fursadaha in nabad laga gaaro dhibaatada ka taagan Falastiin.

Netanyahu ayaa ku booriyay Falastiiniyiinta inay la heshiiyaan jiritaanka dowladda Yahuudda, isagoo ku nuux-nuux saday in aysan xaq u lahayn inay diidaan heshiisyada nabadeed ee ay la galayaan dalalka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM