Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Image

TEL AVIV - Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in dilka hogaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, uu "dhamayn karo colaadda" u dhaxaysa labada dal ee cadawga ah.

Netanyahu oo la hadlayey warbaahinta Mareykanka ee ABC News, ayaa yiri: “Tani ma sii hurinayso colaadda, waa ay dhamaynaysaa.” Wuxuu hadalkan ka sheegay mar uu ka jawaabayey warar sheegaya in madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu hor istaagay qorshe Israel damacsanayd oo lagu dili lahaa Khamenei, isagoo ka cabsi qabay in xaaladda Iran iyo Israel ay faraha ka baxdo.

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

“Waa Iran oo rabta dagaal weligeed soconaya. Wax kasta oo Israel sameyso maanta, waa inay ka hortagto halistaas, iyadoo ujeedadu tahay in la soo afjaro gardarada. Taasina waxay ku imaan kartaa oo kaliya marka la wajahayo awoodaha sharka,” ayuu yiri Netanyahu.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Israel ay cirka isku shareertay, gaar ahaan ka dib dagaalka Gaza iyo weerarro is-daba-joog ah oo la isku qaaday gudaha gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad ku dhacday Badda kadib markii ay ka baxday Garoonka Hong Kong

Mas’uul ka tirsan Waaxda Dab-damiska ayaa weriyeyaasha u sheegay in labada qof ee dhintay ay kala ahaayeen darawalkii gaariga ilaalinta amniga.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 11:44AM

Xuutiyiinta Taageerada ka Hela Iran oo Qabtay Shaqaale ka Tirsan Qaramada Midoobay

Xaaladdan ayaa si weyn uga sii daraysa xaaladda amni iyo shaqo ee Qaramada Midoobay ee Yemen.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 08:40AM