Netanyahu oo wajahayo maxkamadeyn musuq-maasuq la xiriirta

Image
Dacwaddan ayaa soo jiitamaysay muddo sanado ah.

TEL AVIV (GO) - Maxkamadaha Israa’iil ayaa u fariisan doona dhageysiga dacwad ka dhan ah ra'iisul wasaare dalkaas Benjamin Netanyahu, oo wajahaya dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan sida uu u maamulay dagaalka Qasa.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in dhageysiga dacwadda Netanyahu ay dhici doonto inkastoo ay ku soo beegmeen xilli dagaal lagu jiro.

Iyaga oo soo xiganaya Xeer-ilaalinta Guud ee Israa'iil, warbaahinta Israel ayaa sheegay in 3 kalfadhi la qaban doono toddobaadka soo socda ka dib laba bilood oo dhagaysigu hakad ah.

Dacwaddan ayaa soo socotay muddo sanado ah, iyadoo lagu eedeeyay Netanyahu inuu si sharci darro ah adeegyo u siiyay shirkad warbaahin ah si ay uga faafiyaan warar wanaagsan isaga iyo xaaskiisa Sarah.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM