Netflix oo looga digay filimada baalmarsan qiyamka Islaamka

Image
Dowladaha Khaliijka ayaa ku tartarsiiyay shirkadan in ay u hogaansanto shuruucda faafreebka.

RIYADH, Saudi Arabia - Wadamada Khaliijka ayaa dalbaday in Netflix ay meesha ka saarto dhamaan waxyaabaha loo arko in ay ku xadgudbayaan "qiyamka Islaamka, bulshada iyo mabaadi'da", sidda ay sheegtay warbaahinta Sacuudiga.

"Muuqaaladdii u dambeeyay, oo ay ku jiraan kuwa loo sameeyay carruurta, ayaa xeerarka jabiyay," ayay war-saxaafadeed ku sheegeen saxafiyiinta Sucuudiga iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Ma aysan bixin wax tafaasiil dheeri ah oo laga bixiyey hadalkan. Laakin TV-ga dawladda Sucuudiga ayaa soo bandhigay muuqaallo laga soo qaaday showga Jurassic World: Camp Cretaceous.

Mid kamid ah muuqaaladda ayaa wuxuu muujinayaa laba gabdhood oo da'yar ah kuwaasoo isku sheeganaya inay is jecel yihiin kadibna midba tan kale ka dhunkaneysa afka.

Muuqaallada laga soo duubay filimka muranka dhaliyay ee Cuties ee Faransiiska ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinta Al Ekhbariya TV oo kamid ah kuwa ugu afka dheer Sacuudiga.

Baahinta ayaa waxaa la socotey qoraal lagu eedeynayo Netflix in uu yahay "faafiyaha filimada iyo fariimaha anshax-darrada ah ee khatarta ku ah korriinka caafimaadka leh ee carruurta".

"[Netflix] ayaa lala xiriiriyay si meesha looga saaro waxyaabahan, oo ay ku jiraan waxyaabaha ku wajahan carruurta, iyo si loo hubiyo u hoggaansanaanta sharciyada," ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah.

Bishii Abriil, shineemooyinka Sacuudi Carabiya masoo bandhigin filimka Doctor Strange in Multiverse of Madness ka dib markii Disney ay diiday codsi uga yimid mas'uuliyiinta Sacuudiga si ay u gooyaan waxa ay ugu yeereen "Tixraacyada LGBTQ".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM