New Zealand: Weerar toorey oo lagu dhaawacay lix qof

Image
Ra'iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dhacdadan ay ahayd "weerar argagixiso".

WELLINGTON, New Zealand - Booliiska New Zealand ayaa toogasho ku dilay "xagjir rabshado wadday" ka dib markii uu tooreey ku dhaawacay ugu yaraan lix qof dukaan weyn oo ku yaal magaalada Auckland.

Ra'iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dhacdadan ay ahayd “weerar argagixiso” oo uu fuliyay muwaadin u dhashay Sri Lanka oo ay boolisku ilaalinayaan.

Ninkan oo aan si rasmi ah loo shaacin magaciisa, ayaa ahaa taageere kooxda argagixisada ah ee Daacish (IS), ayay tiri. Booliska ayaa ninkaasi ku dilay 60 ilbidhiqsi gudahood markii uu dhacay weerarka Jimcihii.

Ms Ardern ayaa shir jaraa'id ku tiri "Waxa maanta dhacay waa wax laga yaqyaqsoodo, waa nacayb iyo wax khalad ah. Waxaa fuliyay shaqsi aanan lahayn iimaan".

Lixda qof ee dhaawacmay, saddex ka mid ah ayaa xaaladoodu aad u liidataa midna xaaladdiisu aad baa looga sii dayrinayaa, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadku.

"Shaqaalaha isbitaalku waxay samaynayaan wax walba oo ay noloshooda ku badbaadin karaan," ayuu duqa magaalada Auckland, Phil Goff, u sheegay BBC.

Wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyey: "Dhammaanteen waan ka argagaxnay waxa dhacay. Laakiin ... caddaaladda ayaa si degdeg ah ugu timid dembiilaha".

Ninka weerarka geystay oo aan la shaacin karin magaciisa sababo la xiriira amarro kasoo baxay maxkamadda, ayaa yimid New Zealand bishii Oktoobar 2011. Wuxuu noqday shaqsi halis ku ah amniga qaranka 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM