Niger oo aqbashay dhexdhaxaadinta Aljeeriya oo doonaysa inay xaliso xiisada ka taagan

Image

ALJEERIYA - Dowladda Aljeeriya ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ay jawaab ka heshay taliska milatariga ee Niger oo sheegaya in ay aqbaleen hindiseheeda dhexdhexaadinta ah ee lagu soo celinayo dalka Niger nidaamka dastuuriga ah.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa lagu yiri: “Aqbalitaankan wuxuu xoojinayaa in xal siyaasadeed lagu dhameystiro xiisadda Niger wuxuuna fududeynaya in lagu soo afjaro dhibaatadan hab nabadeed, si loo ilaaliyo danaha Niger iyo gobolka oo dhan."

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha dalkaas Abdelmadjid Tebboune uu arrintan u xilsaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Attaf.

Wasiirka ayaa lagu amray sida ay wasaaraddu sheegtay in uu si degedeg ah uga safro Dalka Niger, si uu kulamo kula qaato dhinacyada ay khusayso, kana wada hadlaan siyaabaha loo dhaqaajin lahaa dhaxdhaxaadinta Aljeeriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM