Nigeria: weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay suuq mashquul badan

Image

January 11, 2015 (GO)- Weerar is miidaamin ah oo ka dhacay suuq aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria ayaa waxaa ku geeriyoodey 19 qof. Weerarka waxaa fulisey gabar yar oo 10 sano jir ahayd taasoo jirkeeda walxaha qarxa lagu soo xiray.

Mas'uuliyadda weerarkaas weli cidi ma sheegan, haseyeeshee kooxda xagjirka ah ee Boko Haram ayaa horay dalka Nigeria uga geysatey weerarro caynkan oo kale ahaa oo boqollaal qof oo rayid u badni ku dhinteen.

Boko Haram waxay todobaadkii hore la wareegtey xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada Baga ee dhacda waqooyiga Nigeria.

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 markaasoo Boko Haram bilowday weeraro jaantaa rogan ah oon bartilmaameed sugan lahayn, waxay dishey in ka badan shan kun oo qof kumanaan kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarrada kooxda oo qaraxyo u badan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM