Nin adeer u ah madaxweynaha Suuriya oo xukun lagu riday

Image
Xukunkan ayaa dhabaha u xaaraya in lala wareego hantidiisa oo lagu qiyaasay in ka badan105 milyan oo doollar.

PARIS, France - Maxkamadda rafcaanka ee caasimada Faransiiska ee Paris ayaa taageertay xukun maxkamadeed oo lagu riday nin adeer u ah madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP, Rifaat al-Assad ayaa lagu helay dambi ah in uu hanti malaayiin Yuuroo ah ku yeeshay lacag laga soo xaday dowladda Suuriya.

Inkasta oo 84-jirkan oo ahaa taliyihii hore ee milatariga aysan u badnayn inuu jeel geli doono sababo kua adan da’diisa, Rifaat ayaa garka loo geliyey afar sano oo xabsi ah.

Xukunkan ayaa dhabaha u xaaraya in lala wareego hantida Rifaat al-Assad ee Faransiiska oo lagu qiyaasay inay ku kacday qiyaastii 90 milyan oo Yuuro [105 milyan oo doollar].

Rifaat ayaa si weyn loola xiriiriyaa kacdoonkii Islaamiyiinta ee 1982 oo lagaga soo horjeeday madaxweynihii xilligaas Hafez al-Assad, oo ahaa aabaha Basharka haatan xukunka haya.

Kumanaan kun ayaa la dilay intii ololahaas socdey. Rifaat wuxuu  horey u soo noqdey madaxwayne ku xigeenka Suuriya. Wuxuu kamid yahay ganacsatada ugu waaweyn dalkaas.

"Kawaanlaha Xama"

Dacwada laga furay Faransiiska ee ka dhanka ah Assad ayaa ka bilaabatay gal ay soo gudbiyeen 2013 kooxda ololaha la dagaalanka musuqmaasuqa ee lagu magacaabo Sherpa.

Xukunsanaha oo loo yaqaano "Kawaanlaha Xama" ayaa baaritaan ku wadeen dambi-baareyaasha Faransiiska tan iyo 2014-kii. Bishii June, maxkamad ayaa ku waday dambi loo haysto.

Maalqabeenkan wuxuu ka tagay dalkiisii ​​hooyo 1984 kadib markii uu afgembi dhicisoobay kula kacay walaalkiis Hafez oo hogaaminayay Suuriya 1971 ilaa 2000.

Ka dib markii uu Yurub soo gaaray, Rifaat al-Assad ayaa ku noolaa qaab nololeedkiisii ​​fiican. Afar xaas iyo 16 carruur ah ayaa durbadiiba kor u qaaday indhahooda.

Hantidiisa Faransiiska ah waxaa ku jira laba guri oo ku yaal xaafadaha maalqabeenada degaan ee Paris, beer u gaar ah xayawaanada la dhaqdo, ilaa 40 guri, iyo hal qasri aad u balaaran.

Rifaat iyo qoyskiisa ayaa Spain ku leh hanti aad u fara badan, oo lagu qiimeeyay ku dhawaad ​​695 milyan oo lacagta Yurub ah, kuwaas oo dhammaantood ay u gacan-galay mas'uuliyiinta 2017-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM