Nin dil ugu hanjabay Ilhan Omar oo la maxkamadeynayo

Image

WASHINGTON - Nin kasoo jeeda gobolka Florida ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in uu dil ugu hanjabay xildhibaanad Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

David G. Hannon oo 67 jir ah ayaa lagu eedeeyay in bishii Luulyo 2019 uu u soo diray xildhibaanada fariin email ah oo xanbaarsanneed hanjabaad dil ah taasoo uu ku sheegay in ay dhiman doonto waxuuna yiri, “Waad dhimaneysaa, muslim yahay xagjirka ah.”

David oo wax laga weydiiyey fariinta uu soo diray ayaa sheegay in uu doonaye in uu madaxa ka toogto sida ku cadeyd warqadda qirashada.

Emailka ayaa la soo diray wax yar ka dib markii ay Ilhan Omar iyo saaxiibadeeda ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Dimuquraadiga ay dhaleeceeyeen madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Donald Trump xilli ay ku guda jireen shir jaraa’id oo laga siidaayey telefishinada.

Mr Trump ayaa markaas bartiisa Twitter-ka kusoo qoray fariin uu ku weeraray Ilhan Omar, Alexandria, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib isagoo sheegay in ay dib ugu noqdaan wadamada ay ka yimaadeen oo ay soo hagaajiyaan kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo burbursan oo ah xarunta danbiyadda.

Trump ayaa sidoo kale lagu xasuustaa in uu qashin-qub ku tilmaamay wadamo ay ku jirto Soomaaliya intii ay socotay xiisaddii u dhaxeysay isaga iyo xildhibaanad Ilhaan.

David ayaa u muuqday mid ay ka tanbadisay xamaasadda oo ka carooday dhaleeceynta ay xildhibaanada u jeedin jirtay siyaasaddii Donald Trump ee inta badan ku saleysneyd madow naceybka.

Xukunka David ayaa wali la go’aaminin iyadoo xeerarka federaalka ay ku talinayaan in lagu xukumo 10 sano oo xabsi intaas ka horna uu banaanka kusii joogi karo $25,000 oo dammaanad ah.

Qareenka u doodaya David, Michael Perry ayaa wargeyska Star Tribubune u sheegay in waligiis uu sameynin sidaas camal marka laga reebo xad gudubkaas yar, uuna yahay nin wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM