Nin gaari xamuul ah jiirsiiyey rayid oo lagu xukumay 260-sano xarig ah

Image
Sayfullo Saipov oo kasoo jeeda Uzbekistan ayaa si sharci ah Mareykanka ugu soo guuray 2010-kii.

WASHINGTON, United States - Ninkii mas'uul ka ahaa dilka sideed qof kadib markii uu gaari xamuul ah ku jiir-siiyey waddo weyn oo ku taalla xaafada Manhattan ee New York dala Mareykanka sanadkii 2017-kii ayaa la xukumay.

Sayfullo Saipov ayaa garka loo geliyey sideed xabsi oo isku xigta, labo xukun oo isku xigta iyo 260 sano oo kale oo xarig ah sababo ku aadan weerarkaas oo sidoo kale 18 ruux kale ay ku dhaawacmeen.

"Dhaqanka kiiskan waa mid ka mid ah kuwa ugu xun, haddii aysan ahayn midda ugu xun, weligay ma aanan arkin," ayuu Garsooraha degmada Vernon S Broderick u sheegay ka qeybgelayaasha fadhiga maxkamadda Arbacadii.

Xukunka Saipov ayaa yimid kadib markii xeerbeegtida bishii Maarso ay diideen in lagu rido xukun dil toogasho muwaadinkan kasoo jeeda Uzbekistan kaasoo hal mar degganaa New Jersey.

Dacwad-oogeyaasha ayaa waxay soo jeediyeen in lagu rido xukun xabsi daa’in ah oo qasab ah maadaama dadka uu laayay ay isugu jiraan dalxiiseyaal iyo dad kasoo jeeda New York Oktoobar 31, 2017.

Ehelada 8-da qof ee lagu dilay weerarka ayaa intii uu xukunku socday fursad loo siiyey in ay hadlaan, iyagoo ka sheekeeyay xanuunkooda oo ay mararka qaar si toos ah ula hadlayeen xukunsanaha.

Darawal hore oo gaari xamuul ah, Saipov ayaa si sharci ah Mareykanka ugu soo guuray 2010-kii wuxuuna ku noolaa Ohio iyo Florida ka hor inta uusan ku biirin qoyskiisa Paterson, New Jersey.

Qareenkiisa, David Patton, ayaa u sheegay xeer-beegtida in ficilladiisu ay ahaayeen "macno la'aan, argagax leh, oo aysan jirin wax sabab ah", waxaana ay codsadeen in loo naxariisto laguna xukumin  xukun dil toogasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM