Nin loo xiray in uu si gaf ah ugu dhawaadey naxashka Elizabeth II

Image
Bilayska caasimadda ayaa sheegay in lagu soo oogay sharciga nidaamka dawliga ah.

LONDON, United Kingdom - Nin 28 jir ah ayaa lagu soo oogay danbi ka dhan ah nidaamka guud ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka baxay safka tacsida si uu ugu dhawaado naxashka boqorada Jimcihii.

Muhammad Khan, oo ka socda xaafadda Tower Hamlets ee bariga London, ayaa ka soo muuqan doona maxkamadda Westminster Magistrates' maalinta Isniinta ah.

Bilayska caasimadda ayaa sheegay in lagu soo oogay sharciga nidaamka dawliga ah. Fiidiyowga tooska ah ee Westminster Hall ayaa la joojiyey markii ay shilku dhacay abbaare 22:00 BST.

Bayaan ka soo baxay Booliska Met ayaa lagu yiri: "Muhammad Khan, 28, of Barleycorn Way, Tower Hamlets, waxaa la xiray Sabtidii, Sebtembar 17, dembi sida uu dhigayo Qeybta 4A ee Sharciga Amarka Bulshada".

"Waxa uu ka soo muuqan doonaa xabsiga Westminster Magistrates' Court Isniinta, Sebtembar 19," ayaa la raaciyey. Waa qofkii labaad ee lagu soo oogo dambi noocaan ah.

Nin 19 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ka dib markii lagu eedeeyay inuu is qaawiyay oo uu gadaal ka riixay dad barooranaya oo ku sugayay safka Victoria Tower Gardens Arbacadii.

Adio Adeshine ayaa lagu soo oogay labo dacwadood oo ah faraxumeyn iyo labo dambi oo ah jebinta amarka ka hortagga waxyeelada galmada. Wuxuu kasoo muuqan doonaa maxkamada Southwark Crown 14-ka Oktoobar.

Boqorada Elizabeth II ee geeriyootay ayaa meydkeeda wuxuu yaalaa Hoolka Westminster halkaasoo kumanaan dadwayne ah ay saf ugu jiraan banaanka dhismaha si ay u arkaan kahor inta aan la aasin berri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM