Nin toogasho wadareed ku khaarijiyey shan qof oo dariskiisa ah

Image
Eedeysanaha oo la rumeysan yahay inuu u dhashay Mexico ayaa magaciisa lagu sheegay Francisco Oropez.

WASHINGTON, United States of America - Booliiska Texas ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in nin uu dilay shan kamid ah deriskiisa kadib markii ay ku murmeen isticmaalkiisa faraha badan ee hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhibanayaasha geeriyoodey ayaa dhamaantood ka soo jeeda Honduras, waxaana ku jiray ilmo siddeed jir ah. Toogashada ayaa habeenimadii Jimcaha ka dhacday magaalada yar ee Cleveland, oo ka tirsan degmada San Jacinto, ee waqooyiga Houston.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray labo haween ah oo la helay iyagoo ku dul jiifa labo caruur ah oo badbaaday, sida ay sheegeen ciidamada ammaanka ee deegaanka.

Eedeysanaha oo la rumeysan yahay inuu u dhashay dalka Mexico, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Francisco Oropez, oo 38-jir ah, welina waa baxsad, waxaana loo maleynayaa inuu hubeysan yahay.

Waxaa lagu soo oogay shan dacwadood oo dil ah. Guud ahaan 10 qof ayaa ku sugnaa guriga xilligaas. Dadka qaangaarka ah ayaa la sheegay inay goobta ku dhinteen, iyadoo gabadha siddeed jirka ay ku geeriyootay isbitaal.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo hagaagtey maalmo kadib markii sagaal qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob ay ku sugnaayeen dhallinyaro oo ku taalla galbeedka Texas.

Labo toddobaad ka hor, afar dhallinyaro ah ayaa toogasho lagu dilay xilli ay ka socotay xaflad dhalasho oo loogu dabaaldegay wiil jirsadey 16-sano. Falkaas waxa uu ka dhacay Alabama. Toogasho-wadareedyadan ayaa abuuray baqdin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM