North Korea oo iska fogeysay "xan" uu ka faafiyey Mareykanka

Image
Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtey in wararkan ay salka ku haayaan "ujeedooyin siyaasadeed iyo milatari".

MOSCOW, Russia - Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in aysan waligeed hub ka iibin Ruushka, islamarkaana aysan qorshaha ugu jirin in ay hubkaas mustaqbalka ka iibiso, ka dib markii Mareykanka uu kasoo baxay warka sheegaya in Moscow ay u weecanayso Pyongyang si ay u soo buuxiso bakhaarada.

Saraakiisha Mareykanka oo soo xiganaya warbixino dhanka mukhaabaraadka ah ayaa horay u sheegay in Ruushka uu ka iibsan karo gantaalada iyo madaafiicda Kuuriyada Waqooyi.

Mas'uuliyiintan ayaa waxay sheegeen in tillaabooyinkan oo kale, oo ay weheliso iibsashada hubka Iran, ay muujinayso cunaqabataynta reer galbeedka ay saameysay dadaalka Ruushka ee dagaalka Ukraine.

Moscow ayaa beenisay wararka xilligaas. Dhaqdhaqaaq kasta oo hub ah oo u dhexeeya labada dal waxa uu noqonayaa mid xad-gudub ku ah cunaqabataynta Qaramada Midoobay.

Khamiistii, hadal ay baahisay warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ee KCNA, sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Kuuriyada Waqooyi ayaa yiri: "Weligeen hub iyo rasaas uma dhoofin Ruushka hadda ka hor, mana qorsheyneyno inaan dhoofino."

Waxay ku eedaysay Maraykanka, iyo "xoogaga cadawga ah", inay faafiyeen wararka xanta ah si ay "u daba galiyaan ujeedooyinkooda siyaasadeed iyo kuwa milatari".

Horraantii Sebtembar, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in iibsiyada Kuuriyada Waqooyi ay Ruushka “ay ku jiri karaan macno ahaan malaayiin xabo, gantaallo iyo madaafiic”. Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn saarey North Korea sababo ku aadan Nukliyeer-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM