North Korea oo weerar afka ah ku qaadey Kuuriyada Koonfureed

Image
Mareykanka ayaa Jimcihii cunaqabateyn ku soo rogay shan hay’adood oo taageera Pyongyang.

PYONGYANG, North Korea - Kuuriyada Waqooyi ayaa Axaddii cambaareysay hadalka wasiirka gaashaandhigga  Kuuriyada Koonfureed ee ku saabsanaa awoodda ay u leeyihiin in ay weerar ku qaadaan Kuuriyada Waqooyi, waxayna ka digtay in ay burburin doonto bartilmaameedyada waaweyn ee Seoul, haddii ay Kuuriyada Koonfureed qaaddo "tallaabo militari oo khatar ah" sida weerar hor-dhac ah.

Kim Yo Jong oo la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hadalka wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed “ay sii xumeeyeen xiriirka u dhexeeyay labada Kuuriya iyo sidoo kale xiisadda militari ee gacanka Kuuriya,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KCNA.

Tani waxay timid ka dib markii wasiirka Kuuriyada Koonfureed, Suh Wook, uu sheegay Jimcihii in milatariga waddankiisu leeyahay noocyo kala duwan oo gantaallo ah oo si weyn ugu wanaagsan qiyaasta riddada, saxnaanta iyo awoodda, awoodna u leh inay si sax ah oo deg deg ah u garaacaan bartilmaameed kasta oo Waqooyiga Kuuriya ah.

Suh Wook waxa kale oo uu sheegay in wasaaraddu ay si fiican u taageeri doonto millatariga si loo hubiyo in ay awood u leeyihiin in ay si weyn uga jawaabaan hanjabaadaha gantaallada ee Kuuriyada Waqooyi.

Kim, oo ah agaasime ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga shaqaalaha ee Kuuriya Waqooyi, ayaa sidoo kale sheegay in wadanka uu "dib u eegi doono waxyaabo badan" iyo in Kuuriyada Koonfureed "laga yaabo inay la kulanto khatar weyn" sabab u ah falcelinta hadaladaas.

War qoraal ah oo ka duwan Axaddii, Pak Jong Chon, oo ah xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Shaqaalaha ee Kuuriya, ayaa sheegay in Waqooyiga "ay si naxariis darro ah u jiheyn doonto dhammaan ciidamadeeda milatariga si ay u burburiyaan bartilmaameedyada waaweyn ee Seoul iyo ciidanka koonfurta Kuuriya" haddii ciidanka Kuuriyada Koonfureed ay ku dhaqaaqaan tallaabo milatari oo khatar ah sida weerar horudhac ah.

Waqooyiga, si kastaba ha ahaatee, ma aysan faahfaahin halka ay u arkaan bartilmaameedyada ugu weyn ee gudaha Seoul. Xiisada ka taagan gacanka Kuuriya ayaa si aad ah kor ugu kacday todobaadyadii la soo dhaafay ka dib markii Kuuriyada Waqooyiga ay tijaabisay laba gantaal oo ballistic ah 26 Febraayo iyo 4 Maarso kuwaas oo ka mid ahaa nidaamka cusub ee ICBM oo waddanka ka socdo.

Tijaabadan ayaa ah tii ugu horeysay tan iyo sanadii 2017 waxeyna falanqeeyeyaasha u fasirayaan in ay tahay fariin ku socota Kuuriyada Koonfureed.
Tijaabooyinka ka dib, Mareykanka ayaa Jimcihii cunaqabateyn ku soo rogay shan hay’adood oo uu ku eedeeyay inay taageero u fidiyeen Kuuriyada Waqooyi ee horumarinta hubka wax gumaada iyo barnaamijyada gantaallada ballistic-ga ah.

Xiisada ayaa laga yaabaa inay sii kororto iyadoo madaxweynaha la doortay ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol uu xafiiska la wareegayo bisha soo socota.

Waxa uu hore u sheegay in weerarrada ka hor-tagga ah ay noqon karaan habka keliya ee looga hortagi karo gantaallada cusub ee Kuuriyada Waqooyi haddii ay u muuqdaan kuwo u diyaar ah weerar soo socda.

Yoon waxa uu ku baaqay in la xoojiyo feejignaanta millatari iyo xiriirka Mareykanka, waxuuna wacad ku maray in uu raadin doono samaynta wada hadal joogto ah oo saddex geesood ah kaas oo u dhexeeya Kuuriyada Koonfureed, Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM