Obama oo lagu eedeeyay "mufaaqnimo" markii uu ka hadlay Muslimiinta

Image
Madaxwaynihii hore ee Mareykanka ayaa loo sheegay in uusan xaq u lahayn la hadalka arrimaha noocaan ah.

NEW DELHI, India - Wasiirka maaliyadda India ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama ee ahaa in xukuumadda ra’iisul wasaare Narendra Modi ay tahay in ay ilaaliso xuquuqda Muslimiinta laga tirada badan yahay.

Intii lagu guda jiray booqashadii Modi ee Mareykanka usbuucii hore, Obama wuxuu CNN u sheegay arrinta ku saabsan "ilaalinta muslimiinta laga tirada badan yahay ee Hinduuga Hindiya ay mudan tahay in lagu soo qaado kulanka uu la yeelanayo Joe Biden".

Obama oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ilaalinta noocaas ah aysan ka jirin gudaha Hindiya "waxaana taas ka dhalan karta in ay go'aan Muslimiinta".

Balse Wasiirka maaliyadda Hindiya, Nirmala Sitharaman, ayaa sheegtay inay aad uga naxday in Obama uu hadalkan jeediyay markii Modi uu booqanayay Mareykanka isagoo ujeedkiisu ahaa inuu sii qoto dheereeyo xiriirka labada dal.

"Wuxuu ka hadlayay Muslimiinta Hindiya ... isagoo duqeymo ka geystay dalalka Muslimiinta u badan ee Suuriya ilaa Yemen ... intii uu madaxweynaha ahaa," ayay Sitharaman ku sheegay shir jaraa'id Axadii.

Sitharaman oo Obama ku eedeysay "munaafaqnimo" ayaa hadalkeeda waxa ay intaas kusii dartey: "Muxuu qof u dhageysanayaa eedeymaha ka imaanaya dadka noocaas ah?"

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa walaac ka muujisay sida loola dhaqmo Muslimiinta iyo diimaha kale ee laga tirada badan yahay ee Hindiya ee hoos taga xisbiga wadani ee Hinduuska ee Modi.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in ay si siman ula dhaqanto dhammaan muwaadiniinta. Hadalkan waxa uu jawaab u yahay dhawaqa kasoo yeeray xukuumadda Washington.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay sharciga jinsiyadda Hindiya inuu yahay "mid asaasi u ah takoor" marka laga reebo soogalootiga muslimiinta ah.

Dhaleeceyntu waxay sidoo kale tilmaameysaa sharciga ka-hortagga is-beddelka ee ka soo horjeeda xuquuqda dastuuriga ah ee la ilaaliyo ee xorriyadda caqiidada. Hindiya waa mid kamid ah wadamadda ugu badan ay ku nool yihiin Muslimiinta guud ahaan caalamka balse lagu tacadiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM