Pakistan: Haweenaydii taariikhi sameysay oo la dhaariyey

Image
Malik, oo 55 jir ah, ayaa ka qaybgashay xaflad ka dhacday caasimadda Islamabad

ISLAMABAD, Pakistan - Pakistan ayaa Ayesha Malik u dhaarisay in ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee garsoore ka noqota Maxkamadda Sare ee dalkaas, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Tani ayaa lagu sifeeyay in ay tahay dhacdo taariikhi ah oo ka dhacda waddan ay dadka u ololeeya haweenka ay sheegeen in sharcigan inta badan loo adeegsado haweenka.

Malik, oo 55 jir ah, ayaa ka qaybgashay xaflad ka dhacday caasimadda Islamabad oo ay hadda ku fadhido kursiga iyada oo wehelisa 16 rag ah oo ay wada shaqaynayeen maxkamadda sare ee Pakistan.

Haweenaydan ayaa wax ku bartay Jaamacadda Harvard, waxaana ay garsoore ka ahayd maxkamadda sare ee magaalada Lahore ee bariga Pakistan labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Mudadii ay xafiiska joogtey, waxaa si weyn loogu tiriyaa in ay gacan weyn ka geysatay soo celinta sharciyada madaniga ah ee gobolka ay asal ahaan kasoo jeedo ee Punjab.

Sannadkii hore, waxay mamnuucday in baaritaan bikradnimo lagu sameeyo haweenka soo sheegay in la kufsaday ama la faraxumeeyay kuna sifeysay mid sumcad dil ku ah haweenkaas.

Haweenka Pakistan waxay u halgamaan caddaaladda mar walba uu dhaco kiis kufsi ah iyadda oo mas'uuliyiinta lagu dhaleeceeyay in ay sameeyaan is-hortaag ama ay u adeegsadaan hub ay ku caburiyaan dumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraykanka ku Eedeysay Fashilka Wadahadalladii Pakistan

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in Iiraan ay farriimo qoraal ah u dirtay Maraykanka iyada oo sii marsiisay Pakistan.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 12:54PM

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM