Pakistan: Imran Khan oo loo jaray waaran lagu oo xirayo

Image
Waa caqabadii ugu dambeysay ee dhanka sharciga ah ee soo wajahday ra'iisul wasaarihii hore Pakistan.

ISLAMABAD, Pakistan - Guddiga doorashada Pakistan ayaa amar xarig aan dammaanad lahayn u gooyay Imran Khan, waa caqabadii ugu dambeysay ee dhanka sharciga ah ee soo wajahday ra'iisul wasaarihii hore.

Kiiskan ugu dambeeyay ayaa waxa uu yimid Isniintii, isla maalintaas Khan waxaa dammaanad ku siisay maxkamadda sare kiis kale.

Khan ayaa wajahaya in ka badan 150 kiis, oo ay ku jiraan “argagixisanimo” tan iyo markii looga xayuubiyay xilka cod kalsooni kala noqoshada baarlamaanka bishii Abriil ee sannadkii hore.

Amarka, oo laga soo saaray Islamabad, ayaa lagu sheegay in Khan uu quur-sadey guddiga doorashada oo uu ku guuldareystay inuu horyimaado guddiga inkastoo ogaysiisyo hore iyo amarro dammaanad ah lagu soo qaatay.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf ayaa internet-ka ku faafiyey sawirka waaranka, isagoo sheegay in uu keenay guriga Khan ee Lahore xubin ka tirsan kooxdiisa sharciga.

Siyaasigan oo 70 jir ah ayaa lagu eedeyay in uu isticmaalay “hadal aan dhexdhexaad ahayn iyo hadalo quursi ah” oo ka dhan ah guddiga doorashada.

Khan ayaa bishii May ay xireen mas’uuliyiinta Pakistan iyadoo lala xiriirinayo kiis musuqmaasuq, kaasoo dhaliyay rabshado dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay dalkaas. Damiin ayaa lagu sii daayay maalmo gudahood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM