Pakistan: Imran Khan oo xabsiga laga sii deynayo

Image

ISLAMABAD - Maxkamad ku taalla Pakistan ayaa hakisay xukunkii Ra'iisul Wasaarihii hore Imran Khan oo lagu soo oogay kiis hadiyado qaran inuu iibsaday intii uu xukunka hayay.

Labada garsoore ee maxkamada sare ee Islamabad ayaa hakiyay xukun dhawaan lagu riday Imran Khan oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Khan ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii lagu xukumay saddex sano 5-tii August, isagoo lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u iibiyay hadiyadaha dowladda intii uu ahaa Ra'iisul wasaaraha 2018 ilaa 2022.

Imran Khan ayaa sidoo kale laga mamnuucay muddo shan sano ah inuu u tartamo xil, mana ka qeybgali karo doorashada dalka.

Ciyaaryahankii Cricket-ka ee Siyaasiga noqday, oo wajahaya in ka badan 100 kiis tan iyo markii xilka looga tuuray cod kalsooni Baarlamaanka April 2022, ayaa la filayaa in lasii daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM