Pakistan: Ku dhowaad 20 qof oo ku dhimatay tareen rogmaday

Image
Intii u dhaxaysay 2013 iyo 2019, 150 qof ayaa ku dhintay shilalkan oo kale, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhimatay 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen tareen ka baxay waddada koonfurta Pakistan.
Tareenka Hazara Express ayaa ku rogmaday meel u dhow saldhigga tareenka ee Sahara Nawabshah, oo qiyaastii 275km (171 mayl) u jira magaalada Karachi kadib markii uu ka baxay waddada loogu tala galay in uu tareenku ku socdo.

Rakaabkii dhaawacmay ayaa loo cararay isbitaallada u dhow goobta. Samatabixiyeyaal ayaa isku dayaya in ay dadka ku haray tareenka rogmaday in ay ka saaraan. Shilalka ka dhasha tareenada qadiimiga ah ee Pakistan ayaan ahayn kuwa dhif iyo naadir ah.

Wasiirka tareenada Sacad Rafiiq ayaa sheegay in baaritaanadii ugu horeeyay ay muujinayaan in tareenku uu ku socday xawaare caadi ah ayna isku dayayaan in ay ogaadaan waxa sababay in tareenka uu ka leexdo wadada.

Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaaqay isbitaalada waaweyn ee Nawabshah iyo degmooyinka deriska la ah ee Sindh. Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya tobanaan qof oo qaylinaya ayagoo dhaawac ah, iyadoo qaar ka mid ah rakaabka ay ka soo baxayeen tareenka rogmaday.

Wasiirka warfaafinta ee Sindh Sharjeel Memon ayaa BBC-da u sheegay in muhiimada ugu sareysa ee dowladda ay tahay "shaqada samatabixinta, oo aan gebi ahaanba diiradda saarnay".

Sannadkii 2021-kii, laba tareen oo ku safrayay gobolka Sindh ayaa isku dhacay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 40 qof tiro kalena way ku dhaawacmeen. Intii u dhaxaysay 2013 iyo 2019, 150 qof ayaa ku dhintay shilalkan oo kale, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM