Pakistan: Ku dhowaad 20 qof oo ku dhimatay tareen rogmaday

Image
Intii u dhaxaysay 2013 iyo 2019, 150 qof ayaa ku dhintay shilalkan oo kale, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhimatay 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen tareen ka baxay waddada koonfurta Pakistan.
Tareenka Hazara Express ayaa ku rogmaday meel u dhow saldhigga tareenka ee Sahara Nawabshah, oo qiyaastii 275km (171 mayl) u jira magaalada Karachi kadib markii uu ka baxay waddada loogu tala galay in uu tareenku ku socdo.

Rakaabkii dhaawacmay ayaa loo cararay isbitaallada u dhow goobta. Samatabixiyeyaal ayaa isku dayaya in ay dadka ku haray tareenka rogmaday in ay ka saaraan. Shilalka ka dhasha tareenada qadiimiga ah ee Pakistan ayaan ahayn kuwa dhif iyo naadir ah.

Wasiirka tareenada Sacad Rafiiq ayaa sheegay in baaritaanadii ugu horeeyay ay muujinayaan in tareenku uu ku socday xawaare caadi ah ayna isku dayayaan in ay ogaadaan waxa sababay in tareenka uu ka leexdo wadada.

Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaaqay isbitaalada waaweyn ee Nawabshah iyo degmooyinka deriska la ah ee Sindh. Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya tobanaan qof oo qaylinaya ayagoo dhaawac ah, iyadoo qaar ka mid ah rakaabka ay ka soo baxayeen tareenka rogmaday.

Wasiirka warfaafinta ee Sindh Sharjeel Memon ayaa BBC-da u sheegay in muhiimada ugu sareysa ee dowladda ay tahay "shaqada samatabixinta, oo aan gebi ahaanba diiradda saarnay".

Sannadkii 2021-kii, laba tareen oo ku safrayay gobolka Sindh ayaa isku dhacay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 40 qof tiro kalena way ku dhaawacmeen. Intii u dhaxaysay 2013 iyo 2019, 150 qof ayaa ku dhintay shilalkan oo kale, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM