Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad
RIYADH - Dowladda Pakistan ayaa diyaarado dagaal u dirtay dalka Sacuudi Carabiya, taas oo noqonaysa tallaabadii ugu horreysay ee militari oo rasmi ah oo ay labada dal u qaadaan qaabka heshiiskii difaaca ee ay horey u kala saxiixdeen. Diyaaradahan oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa kale oo militeri, ayaa Sabtidii ka degay saldhigga cirka ee King Abdulaziz ee ku yaalla gobolka bari ee dalka Sacuudiga.
Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa xilli xasaasi ah, iyadoo dalka Pakistan ay ka dhaceen wadahadallo nabadeed oo lagu dhex-dhexaadinayo waddamada Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo lagu fashilmay in lagu soo afjaro colaadda ka aloosan gobolka.
Heshiiska difaaca ee ay labada dal saxiixdeen bishii Sebtember ee sannadkii 2025-ka ayaa dhigaya in weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah labada dal loo arko weerar lagu qaaday dalka kale. Sacuudiga ayaa weeraro badan kala kulmay Iran tan iyo markii colaadda billaabatay, maadaama uu martigelinayo Ciidanka Mareykanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Ishaq Dar, ayaa sheegay inuu horay uga digay madaxda Iran in Islamabad ay ka go'an tahay inay fuliso waajibaadka ka saaran difaaca Sacuudiga haddii weerar lagu soo qaado. Inkasta oo Iran ay raadineysay damaanad qaad ah in dhulka Sacuudiga aan loo isticmaalin weerar ka dhan ah, haddana waxaa sii socday weerarada gantaalaha ah ee lagu beegsanayay saldhigyada ku yaalla gudaha Boqortooyada.
Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca ee Sacuudiga, balse ay tahay farriin dublamaasiyadeed oo loo dirayo dalka Iran. Waxay sheegeen in Pakistan ay doonayso inay Tehran ku cadaadiso inay tanaasul ka muujiso wadahadallada ka socda Islamabad, isla markaana ay caddeyso in haddii heshiis la gaari waayo ay u weecan karto dhanka xulafadeeda Sacuudiga.
GAROWE ONLINE