Pakistan oo nin Shiinees ah u xirtey in uu caayay Nabi Maxamed

Image
Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Mr Tian ayaa diiday eedaymaha ay u soo jeediyeen asxaabtiisa.

ISLAMABAD, Pakistan - Maxkamad ku taal Pakistan ayaa amartay muwaadin u dhashay Shiinaha oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay in xabsiga lagu sii hayo muddo laba toddobaad ah, sida ay booliisku sheegeen.

Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Mr Tian ayaa diiday eedaymaha ay u soo jeediyeen asxaabtiisa intii uu socday maxkamad ku taal magaalada Abbotabad fiidnimadii Isniinta.

Tahir Ayuub, oo ah sarkaal ka tirsan booliiska deegaanka, ayaa Al Jazeera u xaqiijiyay Arbacadii in eedaysanaha xabsiga loo taxaabay, iyadoo maamulka uu baarayo dhacdada.

Mr Tian, oo ah madaxa gaadiidka culus ee mashruuc weyn oo koronto lagu dhaliyo, ayaa 15-kii bishan April waxaa lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Nebi Muxamed.

Sidda ku xusan warbixinta, eedeysanahan ayaa waxaa la sheegay inuu ku booriyay shaqaalaha inay dardargeliyaan shaqada ay ku guda jiraan xilli ay ku guda jireen fasaxa salaada.

Mashruuca tamarta ee Dasu ee degmada Kohistan ee waqooyi-galbeed Pakistan ee Khyber Pakhtunkhwa ayaa waxaa fulinaya Shirkadda Shiinaha Gezhuba Group Company.

Aflagaadada ka dhanka ah diinta Islaamka waa mawduuc xasaasi ka ah gudaha Pakistan, oo ah waddan Muslimiin u badan yihiin, halkaas oo kuwa lagu helo dembigan lagu xukumo ciqaab dil ah noocyada dembiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM