Pakistan oo shan askari looga dilay qarax iyo weerar jidgal ah

Image
Askarta oo iska-caabin badan sameysay ayaa da’doodu waxa ay u dhaxaysay 23 ilaa 25 jir.

ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa ku dhintay kadib markii gaari ay wateen lagu dhuftay bam ka dib iska horimaad ay la galeen maleeshiyaad ku sugnaa koonfurta-galbeed ee gobolka Balochistan.

Dhacdadan ayaa Sabtidii ka dhacday degmada Kech ee gobolka qalalaasuhu ka jiraan, halkaas oo milatarigu ay tobanaan sano kula dagaallamayeen fallaago hoose.

“Argagixisadu waxay qarxisay gaari ay wateen ciidamadda ammaanka, waxaana xigtay rasaas xooggan oo la is weydaarsaday,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay milateriga.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Intii uu howlgalka socday, shan askari oo geesiyaal ah, si aad ah ayay u dagaalameen, naftoodana u hureen, waxayna qaateen Shahadat (shahada)".

Askarta ayaa da’doodu waxa ay u dhaxaysay 23 ilaa 25 jir. Illaa haatan, ma jirto koox si ramsi ah u sheegatay mas'uuliyadda falkan lala xiriirinayo kooxo gacansaar la leh Al-Qaacida.

Balochistan oo ah gobol xuduud la leh Afgaanistaan ​​iyo Iran ayaa in ka badan labaatan sano waxaa ka socday kacdoono ay wadaan kooxaha gooni u goosadka ah.

Markii hore waxay doonayeen inay qayb ka qaataan kheyraadka gobolka, balse markii dambe waxay bilaabeen kacdoon ay ku doonayeen inay xornimo u helaan taas oo sababtay in ay la dagaalanto dowlada Pakistan oo u aqoonsantay ururo argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM