Pentagon oo miiska saaray qorshe lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee Yurub

Image

WASHINGTON — Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ka fiirsanaysa qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada iyo qalabka milatari ee Mareykanka ku sugan Yurub, iyadoo mid ka mid ah qorshayaasha la tixgelinayo uu horseedi karo in qaar ka mid ah ciidamada dalkaas laga soo saaro qaaradda.

Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan iyo reer Yurub ah oo xog-ogaal u ah wada-hadallada, Pentagon-ka ayaa qiimeynaya qorshayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin in Yurub laga soo saaro in ka badan 25,000 askari.

Tallaabadaasi waxay saameyn ku yeelan kartaa ciidamo Mareykan ah oo ku kala sugan dalal badan oo NATO ah, gaar ahaan Jarmalka, oo martigeliya qaybta ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee qaaradda.

Dowladda Mareykanka ayaa Yurub ku haysa tobannaan kun oo askari oo ay weheliyaan diyaarado, maraakiib, hub iyo qalab kale oo milatari. Ciidamadaas ayaa qayb muhiim ah ka ah awoodda NATO ee difaaca xubnaha isbahaysiga.

Qorshaha la eegayo ayaa imanaya xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu cadaadis saarayo waddamada Yurub inay kordhiyaan kharashaadka difaaca isla markaana ay qaataan mas'uuliyad dheeraad ah oo ku saabsan amnigooda.

Washington ayaa muddo ku baaqaysay in dalalka NATO ee Yurub ay yareeyaan ku-tiirsanaanta awoodda milatari ee Mareykanka, gaar ahaan marka laga hadlayo difaaca qaaradda.

Pentagon-ka ayaa sidoo kale qiimeynaya in dib loo habeeyo diyaaradaha, maraakiibta, nidaamyada hubka iyo saldhigyada Mareykanka ee Yurub ku yaalla. Weli lama gaarin go'aan kama dambeys ah, waxaana socda daraasad lagu eegayo qaabab kala duwan oo lagu dhimi karo ama dib loogu habeyn karo joogitaanka milatari ee Mareykanka.

Wada-tashiyada ayaa walaac ka dhex abuuray qaar ka mid ah xulafada NATO, gaar ahaan xilli dalalka Yurub ay wajahayaan caqabado amni oo la xiriira Ruushka iyo dagaalka Ukraine.

Saraakiisha qaar ayaa ka digaya in hoos u dhigidda ciidamada Mareykanka ay saameyn ku yeelan karto awoodda NATO ee ka hortagga khataraha ka iman kara dhinaca bari ee Yurub. Dhanka kale, taageerayaasha dib-u-habaynta ayaa ku doodaya in xulafada Yurub ay tahay inay qaataan qayb weyn oo ka mid ah mas'uuliyadda difaaca qaaradda.

Dib-u-eegista Pentagon-ka ayaa lagu wadaa inay soo bandhigto talooyin ku saabsan mustaqbalka joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Yurub. Talooyinkaasi ayaa la filayaa in loo gudbiyo hoggaanka sare ee Wasaaradda Difaaca, ka hor inta aan go'aan kama dambeys ah laga gaarin.

Qorshaha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dib-u-eegis ballaaran oo lagu sameynayo sida Mareykanku u qaybiyo ciidamadiisa caalamka, iyadoo Washington ay dooneyso inay si gaar ah u xoojiso awooddeeda milatari ee gobolka Indo-Pacific.

Si kastaba, saraakiisha Mareykanka ayaa weli carrabka ku adkeynaya in wax go'aan ah oo kama dambeys ah laga gaarin dhimista ciidamada Yurub.

Haddii la meel mariyo, qorshe kasta oo lagu dhimayo tobannaan kun oo askari wuxuu wax ka beddeli karaa qaabka uu Mareykanku uga qayb qaato amniga Yurub iyo howlaha wadajirka ah ee NATO.

GAROWE ONLINE

Related Articles