Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Image

MOSCOW – Cunaqabateynno cusub oo ay Maraykanku saareen Ruushka ayaa adkaynaya dadaallada lagu doonayo in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal, sida uu sheegay Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, wareysi Axaddii laga sii daayay telefishinka Russia-1.

“Dabcan, tallaabooyinkii la qaaday toddobaadkan waxay ahaayeen kuwo aan saaxiibtinimo ahayn. Runtii waxay dhaawaceen rajadii ahayd in dib loo soo nooleeyo xiriirka Ruushka iyo Maraykanka, balse taasi micnaheedu ma aha inaan ka quusanno dadaalladaas,” ayuu yiri Peskov oo la hadlay weriyaha Pavel Zarubin.

Peskov ayaa intaas ku daray in Ruushku weli xiiseynayo dhisidda xiriir wanaagsan oo uu la yeesho dhammaan dalalka caalamka, oo ay ku jirto Maraykanka.

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump u muujiyay sidii xal loogu heli lahaa colaadda Ukraine, balse uu carabka ku adkeeyay in “aysan suuragal ahayn in dhibaatadaas lagu dhameeyo hal habeen gudaheed.”

Arbacaadii, Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu beegsanayo shirkadaha shidaalka ee ugu waaweyn Ruushka – Rosneft iyo Lukoil – isaga oo ku baaqay “in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.” Wuxuu sidoo kale sheegay in Aqalka Cad uu diyaar u yahay inuu qaado tallaabooyin dheeraad ah haddii loo baahdo.

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine bishii Febraayo 2022, soo rogay cunaqabateynno dhowr ah oo dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga ah, kuwaas oo si gaar ah u saameeyay bangiyada Ruushka, warshadaha difaaca iyo dhoofinta tamarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM