Putin iyo Kim Jong Un oo “hadiyado” is dhaafsaday

Image

MOSCOW, Ruushka - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa isweydaarsaday hadiyado ka dib kulankii ay ku yeesheen bariga fog ee Ruushka, sida ay ku dhawaaqday madaxtooyada Kremlin..

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu siiyay Kim qori ka mid ah wax soo saarka Ruusha-ka, kaas oo ah midka ugu tayada wanaagsan, taa beddelkeedana waxa uu helay qori lagu sameeyay Kuuriyada Waqooyi.

Sida laga soo xigtay Peskov, Putin ayaa si farxad leh u aqbalay casuumadda Kim ee ah inuu booqdo Kuuriyada Waqooyi, isagoo xusay in booqashada Kim ee Ruushka ay sii socon doonto maalmo kale.

Labada madaxweyne ayaa Arbacadii ku kulmay “Vostochny Cosmodrome”, oo ah xarunta ugu muhiimsan ee laga diro dayax-gacmeedka gudaha ee Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM