Putin oo amar kasoo saarey takoorka ajaaniibta dagan Ruushka

Image
Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale waxa uu amar ku bixiyey xakameynta muwaadiniinta u safraysa dibadda.

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa Jimcihii todobaadkii hore waxa uu faray xukuumadiisa inay ka shaqeyso tillaabooyin looga hortagayo dadka u qulqulaya dibadda.

"2022-dii iyadoo ay saameyn ku leedahay isbeddelka xaaladaha dhaqan-dhaqaale, socdaalka dadka ee Ruushka ee dibadda ayaa kordhay," ayaa lagu yiri wareegto lagu daabacay bogga dawladda.

Wareegtada ayaa intaas ku dartey in lagama maarmaan ay tahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah si loo abuuro dhaqaale, bulsho iyo habab kale oo ilaalinaya raasumaalka bini'aadamka, iyo hoos u dhigista qulqulka dadweynaha ee Ruushka ee dibadda.

Sidda ku xusan digreetadda, Putin ayaa wuxuu amray in la abuuro shuruudo lagu soo celinayo muwaadiniinta, oo ay ku jiraan kuwa ku noolaa Donets, Luhansk, Zaporizhzhia, iyo Kherson.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa sidoo kale faray mas'uuliyiinta inay qaadaan tillaabooyin fududeynaya la qabsiga guusha ee muwaadiniinta ajnabiga ah iyo carruurtooda ee bulshada Ruushka.

Sidoo kale, Putin ayaa amray ku bixiyey in laga hortagayo nooc kasta oo ka mid ah takoorka ka dhanka ah muwaadiniinta ajnabiga ah ee ku saleysan isir, bulsho, qaran ama diin, takooriddooda bulsho, takoorid iyo kala sooc.

Go'aanada ayaa kusoo hagaagaya xilli Ruushka uu wajahayo duulaan soo rogaal-celis ah oo kaga imaanaya Ukraine. Labada dal ayaa dagaal qaraar uu dhex-marayaa tan iyo sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM