Putin oo doonaya in dagaalyahannada Bariga Dhexe ay ku biiraan dagaalka Ukraine

Image

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa fasaxay in dadka mutadawaciinta ah ee ka imaanaya Bariga Dhexe ay ku biiraan ciidamada Ruushka ee ka dagaallamaya Bariga Ukraine.

"Haddii aad aragtaan dad si iskood ah raba, oo aan lacag doon ahayn, inay caawiyaan dadka ku nool Donbas, waa in aan u oggolaanno waxa ay rabaan, waana inaan ku caawinno si ay u tagaan furimaha dagaalka," ayuu Putin ka yidhi shirka Golaha Amniga ee Ruushka.

Wasiirka Gaashaandhigga, Sergei Shoigu, ayaa madaxweynaha u sheegay in ay jiraan muradawaciin tiradoodu gaadheyso 16,000 oo ka soo jeeda Bariga Dhexe, kuwaasoo diyaar u ah in ay tagaan Donbas.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamada dowladda Suuriga ee dagaalka la qabsaday laga yaabo in lacag lagu siiyo si ay Ruushka garab ugu siiyaan dagaalka Ukraine.

Ciidamada cirka ee Ruushka iyo cutubyo khaas ah oo ka socda dalkaas ayaa door weyn ka ciyaaray caawinta madaxweynaha Ruushka, Bashaar al-Asad.

Goor sii horreysay, dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ay diyaarineyso ciidamo is xilqaamay oo dibadda uga yimid si ay uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah militeriga Ruushka.

BBC

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM