Putin oo doorbiday in Biden dib loogu doorto madaxtinimada Mareykanka

Image
Codbixiyayaashu ayaa dhanka kale walaac dhab ah ka qaba da'da Biden.

Washington (GO) - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacadii ku tilmaamay dhiggiisa Mareykanka, Joe Biden, inuu yahay shaqsi ficilladiisu ay yihiin kuwo "la saadaalin karo" marka loo eego Donald Trump.

Putin ayaa sidoo kale muujiyay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo cidda ku guuleysata doorashada madaxtinimada Mareykanka ee la qorsheeyay bisha November, qof uu yahayba.

Isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsan cidda Ruushku door bidayaan inuu ku guuleysto iskahorimaadka suurtagalka ah ee u dhexeeya madaxweynaha Dimuqraadiga iyo musharaxa xisbiga Jamhuuriga Trump, Putin wuxuu ku jawaabay, "Biden, wuu ka khibrad badan yahay, ficilkiisa waa la saadaalin karaa.

Isaga oo ka hadlaya dhaleecaynta loo jeediyay Biden, oo 82 jir noqon doona toddobaadyo uun ka dib doorashooyinka, Putin wuxuu yiri, "Markii aan la kulmay Biden saddex sano ka hor, dadku waxay ka hadlayeen awood la'aantiisa, laakiin taasi iima muuqan.

Ra'yiururinta Mareykanka ayaa muujineysa in codbixiyayaashu ay walaac dhab ah ka qabaan da'da Biden iyo xaaladiisa Caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadallada Iran way socdaan inkastoo diyaarad drone Iranian ah lasoo riday

Trump oo la hadlay wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa sheegay in Washington ay “hada” la wadahadlayso Tehran.

  • Caalamka

    04-02-2026

  • 08:43AM

Diyaarad Dagaal Mareykanku Leeyahay oo Soo Ridday Drone Iran Laga Leeyahay

Afhayeen u hadlay CENTCOM, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in drone-ku uu ku…

  • Caalamka

    03-02-2026

  • 06:33PM