Putin oo ka hadlay qorashaha lagu doonayo in Falastiiniyiita Qasa la dajiyo Masar

Image

MOSCOW - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacadii sheegay in baaqyada loogu yeerayo Falastiiniyiinta inay isaga qaxaan Qasa oo ay aadaan gacanka Siinaay ee Masar. Madaxweynaha Ruushka ayaa sheeegay in Qasa ay ka mid tahay dhulka taariikhiga ah ee Falastiin.

Putin ayaa yiri: "Dhulkan waa dhulka ay ku nool yihiin Falastiiniyiinta, sidoo kale waxay ahayd in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah oo ay qeyb ka tahay Qasa”.

Mas’uuliin ku sugan Qasa ayaa dhawaan sheegay in Masar ay u dhaqaaqday sidii ay uga hortaggi lahayd qax ballaaran oo ka imaanaya marinka Qasa kuna wajahan gacanka Siinaay.

Israa’iil ayaa ku duqeynaysa Qasa duqeymihii ugu cuslaa taariikhda colaaddan soo jiitamaysay muddo 75 sano tan iyo markii dhaqdhaqaaqa Xamaas uu gudaha u galay Israa’iil Sabtidii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM