Putin oo ka tacsiyeeyay geerida hogaamiyihii Wagner

Image
SAWIR HORE

MOSCOW, Ruushka - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horreysay tacsi u diray qoyska hoggaamiyaha kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin, kadib markii si rasmi ah loo xaqiijiyay geeridiisa ka dhalatay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga Moscow Arbacadii.

Putin wuxuu ku sheegay hadaladiisa - maanta oo Khamiis ah - inuu yaqaanay Prigozhin tan iyo 1990-meeyadii, uuna ahaa "ganacsade karti leh", laakiin uu ku dhacay khaladaad, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ammaanay wax uu ku tilmaamay gacan weyn oo ay kooxda Wagner ka geysatay dagaalka lagula jiro Naasinimada ee Ukraine, wuxuuna sheegay in Moscow aysan waligeed iloobi doonin taas.

Isagoo ka hadlaya sababta keentay burburka diyaaradda, ayuu Putin yiri, "Waan sugi doonnaa natiijada ka soo baxda baaritaannada," isagoo xusay in xogta hordhaca ah ay muujinayaan in diyaaradda ay saarnaayeen hogaamiyeyaasha Wagner.

Putin ayaa sheegay in Prigozhin uu ka soo laabtay Afrika shalay, wuxuuna kulamo muhiim ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Ruushka ka hor inta aysan burburin diyaaradiisii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM