Putin oo loogu hanjabay in la xirayo haddii uu tago Koonfur Afrika

Image
Madaxweynaha Ruushka ayaan wali kala caddeyn haddii uu booqasho ku tagi doono waddankan bisha August.

CAPE TOWN, Koonfur Afrika - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la xiri doonaa haddii uu cagta soo dhigo gobolka Western Cape ee Koonfur Afrika inta lagu guda jiro booqasho la filayo bisha Agoosto, sida uu sheegay hogaamiyaha gobolka.

"Putin wuxuu si joogto ah oo xoog leh u baabi'iyey xorriyadda dadka reer Ukraine iyo kuwa dalkiisa ee ku dhiirada inay mabda'a hor-istaagaan ficilladiisa arxan darada ah," ayuu yiri Alan Winde.

Winde waa hogaamiyaha mucaaradka ee xisbiga Dimuqraadiga Alliance (DA) oo maamula gobolka. Bayaan uu soo saaray ayuu hadalkan ku sheegay goor dambe oo Khamiis ah.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa bishii hore soo saartay amar lagu soo xirayo Putin oo la filayo inuu ka qeyb galo shirka BRICS ee ka dhacaya gobolka Western Cape.

BRICS waa dhowr dowladood oo dhaqaalahoodu soo korayo kuwaasoo ay ku jiraan Russia, Brazil, India, China iyo South Africa lana dagaalamaya waddanka Mareykanka.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay horaantii todobaadkii lasoo dhaafay in xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) uu go’aansaday inuu dalkaas isaga baxo maxkamada ICC. 

Hase ahaatee, xafiiskiisa warfaafinta ayaa isla markiiba waxa uu ka noqday faallooyinkaas isagoo sheegay inay khalad dhanka warfidiyeenadda ay ahayd Koonfur Afrikana ay sii ahaan doonto saxeexa heshiiskii Rome ee kamid noqoshadda maxkamada ICC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM