Putin oo noqday hogaamiyihii ugu xukunka dheeraa ee Russia soo mara

Image
Vladimir Putin ayaa helay 87.33% ee codadka la tiriyay.

Moscow (GO) - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii madaxtinimada, isagoo sii xoojiyey awooddiisa, wuxuuna guushaas sheegay inay muujinayso in Moscow ay ku saxan tahay inay is-hortaagto reer galbeedka oo ay ciidamo u dirto Ukraine.

Natiijadu waxay ka dhigan tahay in Putin (71 jir) uu lix sano oo kale sii hogaamin doona Ruushka, taasoo ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee Russia in ka badan 200 oo sano, isaga oo dhaafay muddada hogaamiyihii hore Joseph Stalin oo gacan bir ah ku xukumayay Midowgii Soofiyeeti ilaa uu geeriyooday 1953kii.

Natiijadii ugu dambeysay ayaa muujisay in Vladimir Putin oo helay 87.33%, Nikolai Kharitonov ayaa helay 4.31%, halka Vladislav Davankov uu helay 3.79%, Leonid Slutskyna uu helay 3.19%, ka dib markii la tiriyay 99.5% codadka.

Maraykanka, Jarmalka, Ingiriiska iyo dalal kale ayaa sheegay in doorashadu aanay ahayn mid xor ah, taas oo ay ugu wacan tahay xarigga siyaasiyiinta ka soo horjeeda taliska Putin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

UK oo dib u soo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee Syria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wadashaqeynta Caalamiga ah iyo Horumarinta ayaa sidoo kale ku dhawaaqday xirmo gargaar bini’aadantinimo.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 11:19AM

Iran: "Haddii Israel Markale Nasoo Weerarto, Xitaa Maraykanka Ma Badbaadin doono Netanyahu"

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisadaha u dhexeeya Israel iyo Iiraan ay sii kordhayaan, kadib markii dagaallo iyo weeraro isdhaafsi ah.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:44AM