Putin oo shaaciyey qorshe uu ka damacsan yahay dadaalka Ukraine

Image
Kyiv iyo quwadaha reer galbeedka ayaa dhawaqan ku sifeeyay "marmarsiiyo aan sal iyo raad toona lahayn".

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa u sheegay ra'iisul wasaaraha India, Narendra Modi, inuu fahmay walaaca New Delhi ee ku saabsan iska-hor-imaadka Ukraine oo uu doonayo in la soo afjaro "sida ugu dhakhsaha badan", sida ku xusan nuxurka wadahadalkooda oo uu daabacay Kremlin.

Ra'iisul wasaaraha Hindiya ayaa u sheegay Putin Jimcihii isagoo ka hadlayay shir madaxeedka amniga gobolka ee Uzbekistan: "Waan ogahay in xilligan uusan ahayn xilli dagaal, waxaanan taleefanka kaagala hadlay arrintan." Waxa uu sheegay in dimuquraadiyadda, diblumaasiyadda iyo wada-hadalku ay dunida isku hayaan.

Laakiin Putin oo duulaanka qaadey ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Kyiv ay diiday wada xaajoodka ayna ku talo jirto in ay gaadho ujeedooyinkeeda "goobta dagaalka".

"Waxaan sameyn doonaa wax walba si aan u joojino arrintan sida ugu dhaqsaha badan, kaliya, nasiib daro, dhinaca naga soo horjeeda, hoggaanka Ukraine, ayaa ku dhawaaqay inay diideen hannaanka wadahadalka waxayna sheegeen inay doonayaan inay ku gaaraan ujeedooyinkooda qaab militari," ayuu raaciyey.

New Delhi iyo Moscow waxay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo soo taxnaa ilaa dagaalkii qaboobaa ee aduunka, Ruushkana wuxuu weli yahay hubka ugu badan ee Hindiya.

Hadda, Ruushku waxa uu gacanta ku hayaa shan meelood meel ka mid ah Ukraine ka dib markii uu ciidamadiisa hubaysan u diray dhulka ay deriska yihiin dhawr jiho bishii February. 

Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka ayaa meesha ka saaraya doodahaas oo ay ku tilmaameen marmarsiiyo aan sal iyo raad toona lahayn oo loogu talagalay dagaal gardaro ah oo la mid ah Imperial, waxayna ku booriyeen Ruushka in uu si shuruud la'aan ah uga baxo dhulka Ukraine oo haatan si weyn burbur uu u soo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo dhaliilay codsiga soo xirida Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay dalabkan oo sidoo kale lagu soo qabanayo hogaanka Xamaas.

  • Caalamka

    21-05-2024

  • 12:51AM

Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

  • Caalamka

    20-05-2024

  • 03:51PM