Putin oo si rasmi ah ugu tartamaya doorashada madaxtinimada Ruushka

Image
Xukunka Putin wuxuu noqon doonaa kii ugu dheeraa ee Ruushka tan iyo qarnigii 18-aad.

Moscow (GO) - Guddiga doorashada dhexe ee dalka Ruushka ayaa si rasmi ah u diiwaangeliyay madaxweyne Vladimir Putin inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa ka soo xigatay guddiga doorashada dhexe ee Ruushka maanta oo isniin ah in magaca madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu u diiwaan gashan yahay musharrax u tartamaya doorashada madaxtinimada ee la qorsheeyay inay qabsoonto 15-ka ilaa 17-ka March.

Taageerayaasha iyo kuwa ka soo horjeedaba waxay filayaan in Putin uu ku guuleysana doono madaxtinimada Ruushka ee lix-da sano ee soo socota.

Haddii Putin uu awoodo inuu ku guuleysto qorshihiisa, xukunkiisu wuxuu noqon doonaa kii ugu dheeraa ee Ruushka tan iyo qarnigii siddeed iyo tobnaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM