Putin oo u hanjabay Finland, oo noqonaysa bartilmaameedka xiga Ukraine

Image

MOSCOW - Ruushka ayaa sheegay in lagu qasbi doono in ay qaadaan tilaabooyin aargoosi ah oo ku aadan go'aanka Finland ugu biirayso Nato.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay si weyn u dhaawaceyso xiriirka labada dal, iyo sidoo kale ammaanka iyo xasilloonida waqooyiga Yurub.

Mar sii horreysay, madaxweynaha Finland iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in waddankooda uu dalbaday xubinnimada Nato "daahitaan la'aan".

Waxa ay ku soo beegantay xilli ay kor u kacday taageerada ay shacabka u hayaan xubinnimada Nato ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Finland waxay xuduud dhan 1,300-km (810-mile) la wadaagtaa Ruushka. Ilaa hadda, waa ay ka maqnayd Nato si ay uga fogaato in ay colaad ugala kulanto deriskeeda bari.

Finland waxay si rasmi ah ugu dhawaaqi doontaa go'aankeeda Axadda ka dib markii ay taageereen baarlamaanka iyo mas'uuliyiinta kale ee siyaasadda dalkaas.

Dhanka kale, Sweden ayaa sheegtay in isla maalintaas ay ku dhawaaqi doonto go’aan kaas la mid ah, oo Nato ugu biirayso.

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in uu rajaynayo in habka xubinimada Sweden iyo Finland uu u dhaco si degdeg ah.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Maraykanku uu taageerayo codsiga Nato ee labada dal.

Bayaanka Ruushka (oo ku qoran afka Ruushka) ayaa ku tilmaamay tallaabada Finland "isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda dibadda ee dalka".

"Ku biiritaanka Finland ee Nato waxay dhaawac weyn u geysan doontaa xiriirka laba geesoodka ah ee Ruushka iyo Finland iyo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka Waqooyiga Yurub," ayaa lagu yiri.

"Ruushka waxaa lagu qasbi doonaa in uu qaado tillaabooyin aargoosi ah, si uu meesha uga saaro khataraha amnigiisa qaran ee ka dhalan kara arrintan."

Si kastaba ha ahaatee, Moscow ma cayimin tallaabooyinka ay qorsheynayso inay qaado. Wararka ayaa sheegaya in durba Ruushka korontada ka jartay Finland.

Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Ruushka Dmitry Polyansky ayaa sheegay in Sweden iyo Finland ay noqon doonaan bartilmaameedka suurtagalka ah ee Ruushka haddii ay xubin ka noqdaan Nato, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushka Ria.

Saraakiisha Ruushka ayaa ka jawaabayay hadal ay si wada jir ah u soo saareen Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto iyo Ra’iisul Wasaare Sanna Marin, kaas oo lagu sheegay in labada hogaamiye ay filayaan in maalmaha soo socda go’aan laga gaaro xubinnimada Nato.

"Xubinnimada Nato waxay xoojinaysaa ammaanka Finland," ayaa lagu yiri. "Xubin ahaan, Nato ahaan, Finland waxay xoojin doontaa dhammaan gaashaandhigga.

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta, Mr Niinisto wuxuu ka jawaabay walaaca Ruushka wuxuuna ku eedeeyay tallaabada Moscow duulaanka.

Ra'yi ururin la sameeyay isbuucii hore ayaa lagu sheegay in dadka Finland ay taageersan yihiin ku biirista Nato 76%, iyadoo 12% ay ka soo horjeedaan, taasoo si weyn u soo jiidatay xubinnimada tan iyo duullaankii Ukraine ka hor.

Finland iyo Ruushka waxay ahaayeen dhinacyo iska soo horjeeda Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyadoo Finland ay si muuqata uga hortagtay duullaankii Soofiyeedka 1939-40.

Laakin Finland waxay lumisay 10% dhulkeeda heshiiskii nabada ee kama dambaysta ahaa waxayna ku ekayd mid aan la safan intii uu socday dagaalkii qaboobaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo ka qeybgalay Shir lagu difaacayo madax-banaanida Soomaaliya

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa kahor tagga faragelinta lagu hayo madax-banaanideeda .

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 11:19AM

Maamulka Biden oo saanad hub ku kacaysa $1 bilyan u diraya Yahuuda

Sida laga soo xigtay Wall Street Journal, xirmada hubka waxaa kamid ah $700 milyan oo rasaasta taangiyada ah.

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 01:42AM