Putin: Reer Galbeedka waxay dheelayaan ciyaar wasakh ah

Image
Madaxweynaha Ruushka ayaa khudbadan jeediyey xilli dagaalka Ukraine uu cirka isku-sii-shareeray.

MOSCOW, Russia - Dunidu waxa ay wajahaysaa tobankii sano ee ugu khatarta badnaa tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, sidda uu aaminsan yahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Dhawaqan ayaa imaanaya iyada oo madaxda reer galbeedka ay u xusul duubayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen burburka lama huraanka ah ee ku iman kara xukunka caalamiga ah ee Maraykanka iyo xulafadiisa.

Putin ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay hurinayaan colaada Ukraine, isagoo intaa ku daray in reer Galbeedka ay ciyaarayeen waxa uu tuuray sida "ciyaar-siyaasadeed khatar ah, dhiig leh oo wasakh ah taasoo fowdo ku beeraysa adduunka oo dhan".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Putin ayaa waxa uu ka shan-qariyey in reer galbeedku ay tahay inay Ruushka iyo quwadaha kale ee waaweyn kala hadlaan mustaqbalka adduunka.

"Xilliga taariikhiga ah ee reer galbeedka ee aan la qaybsaneyn ee ku saabsan xukunka adduunka ayaa soo dhammaanaya," Putin ayaa ka sheegay Valdai Discussion Club, oo ah shir khubarada siyaasadda caalamiga ah.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan ku taagannahay xuduud taariikhi ah: Horay waxaa laga yaabaa inuu yahay kan ugu khatarta badan, aan la saadaalin karin, isla mar ahaantaana, toban sano oo muhiim ah tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka".

"Ruushku uma aqoonsanin reer galbeedku inay yihiin cadawga Ruushka in kasta oo uu hadda marayo waji iska horimaad," ayuu si aan gabasho lahayn uga dhawaajiyey Putin.

Sidda laga soo xigtay Putin, xukuumadda Moscow ayaa xambaarsan tahay "hal fariin" oo loogu talagalay "wadamada hogaaminaya Galbeedka iyo NATO: aynu joojino cadawga, aynu wada noolaano".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM