Qaramada Midoobay oo u hiilisay shacabka Qasa

Image

NEW YORK - Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah ugu baaqay "Xabbad-joojin bini'aadantinimo oo degdeg ah", ka dib markii ciidanka Israa'iil ay ku dhawaaqeen "ballaarinta" hawlgallada ay ka fulinayaan Marinka Qasa.

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay go'aankan “wax laga xishoodo,” isagoo xusay inay maalin madow u tahay Qaramada Midoobay iyo bani’aadamnimada,sida uu hadalka u dhigay.

Dhankeeda, madaxtooyada Falastiin ayaa soo dhaweysay go'aanka ay gaareen golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ee lagu ilaalinayo dadka rayidka ah.

Waxa ay carabka ku adkeysay in codka 120 dal ay ku taageereen qaraarka ay ka dhigan tahay in dunidu ay xaqiijineyso diidmada gardarada ah ee lagu hayo Qasa, ka barakicinta dhulkooda, iyo abuurista masiibo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM