Qarax ka dhacay suuq mashquul badan oo dhimasho sababay

Image
Inta badan rabshadaha ayaa loo arkaa falcelin ka dhalatay maalgashiga ee Beijing ee gobolkan.

KABUL, Pakistan - Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay suuq ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka dhacay Barkhan, oo qiyaastii 500km (310 mayl) bari ka xigta caasimadda gobolka ee Quetta, kaasoo ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan rabshadaha ka socda waddanka dhaca Koonfurta Aasiya.

Sajjad Afzal, oo ah taliyaha booliiska deegaanka, ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid sida muuqata ku xirnaa mooto, waxaana lagu qarxiyay aalad meelaha fog fog laga hago.

Shabakadda wararka ee Pakistan Dawn.com ayaa ka soo xigatay guddoomiye ku xigeenka Barkhan Abdullah Khoso in dadka dhaawaca ah la keenay isbitaalka Rakhni.

Inta badan rabshadaha ayaa loo arkaa falcelin ka dhalatay maalgashiga ee Beijing ee gobolka si ay ugu xiraan gobolka Xinjiang ee Shiinaha iyo Badda Carabta ee Balochistan.

Mas'uuliyiinta ayaa ku andacoonaya in ay damiyeen kacdoonka hubeysan, balse weli rabshaduhu waa ay socdaan. Gobolka  waxaa ka dhacay weeraro ay geysteen labada kooxood ee TTP iyo ISIL.

Kooxda Taliban garabkeeda Pakistan ayaa lagu eedeeyay in ka badan 100 weerar tan iyo markii ay isaga baxeen xabad joojin ay la galeen dowladda Pakistan bishii November ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM