Qarax khasaare badan geystey oo ka dhacay xuduudka India iyo Pakistan

Image

November 3, 2014 (GO)- Ugu yaraan 55 qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan 150 kalena way ku dhaawacmeen qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xuduudka ay wadaagaan dalalka India iyo Pakistan.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa waxaa lala bartilmaameedsaday marinka Wagah ee ku dhow magaalada Lahore halkaasoo xadka labada dal isaga furan yahay dadkuna isaga gudbaan.

Wagah ciidamo labada dal ka kala tirsan ayaa ku sugan, waxaana maalin kasta ka dhaca dhoola-tus askarta India iyo Pakistan si wadajir ah usameeyaan oo lagu magacaabo "calan dejis", kumanaan qof ayaana usoo daawasho taga.

Xilligii qaraxu dhacayey waxay ahayd markii dhoola-tusku soo gaba gaboobay dadkuna isu diyaarinayeen inay xaafadahooda dib ugu noqdaan. Maadaama shalay Axad ahayd tirada daawadeyaashu way badneyn waana sababta keentay in khasaaruhu bato.

Dadka geeriyoodey iyo kuwa dhaawacmay oo caruur iyo dumar badani ku jiraan waxaa sidoo kale la xaqiijiyey inay kamid yihiin sideed qof oo hal qoys kasoo wada jeeda iyo dhowr askari.

Khasaaraha waxaa laga cabsi qabaa inuu intaas ka bato iyadoo wararkii ugu dambeeyey ee xarumaha caafimaadka ee Lahore laga helay sheegayaan in tirada dhimashadu sii marayso 66. Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay ururka TTP (Taalibaanka Pakistan).

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa weerarkaas ku tilmaamay fal waxashnimo ah isagoo ku goodiyey in kuwii soo abaabuley sharciga la hor keeni doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM