Qaraxyo gilgilay caasimada Ukraine iyo magaalooyin kale

Image
Image
Image
Image
Sideed qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen duqeymahan kuna dhaawacmeen 24 kale.

KYIV, Ukraine - Magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine ayaa maanta markii ugu horeysay muddo bilo ah waxaa lagu weeraray gantaalo, iyadoo lala beegsadey bartamaha magaala madaxda.

Qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa magaalooyin kale oo dalka ah, oo ay ku jiraan Lviv, Dnipro iyo Zaporizhzhia, kuwaas oo u muuqda weerarkii ugu ballaarnaa ee Ruushka tan iyo toddobaadyadii hore ee dagaalka.

Ugu yaraan laba qarax ayaa laga maqlay bartamaha Kyiv wax yar kadib 08:00 wakhtiga maxaliga ah (06:00 BST), qaar badana waa ay raaceen, sidda laga soo xigtey warbaahinta.

Sideed qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen duqeymahan kuna dhaawacmeen 24 kale. Sawirro laga soo qaadey magaalada ayaa muujiyey waxyeelo ba'an oo soo gaarey dhismayaasha.

Wasiirka difaaca ee Ukraine ayaa sheegay in weerarada Ruushka aysan dadka Ukraine ka celin doonin in ay iska difaacaan wax uu ku tilmaamay "duulaan gardaro ah".

Mowjadaha weerarada ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii buundada kaliya ee isku xirta Ruushka iyo Crimea ee la heysto ay waxyeelo kasoo gaartay qarax

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa lagu wadaa in maanta uu shir gudoomiyo shirka golihiisa ammaanka oo looga hadlayo qaraxii ka dhacay buundada Crimea iyo talaabooyinka xiga ee uu qaadayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM