Qaraxyo iyo weeraro toos ah oo lagu qaaday Kabul

Image
Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq madow oo ka soo baxaya macbadka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii macbad Sikh ah oo ku yaalla caasimadda Kabul ee dalka Afgaanistaan ayaa lagu qaaday weerar toos ah iyo qaraxyo. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Abdul Nafi Takor, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban, ayaa sheegay in rag hubeysan ay weerareen guriga cibaadada Sikh, oo loo yaqaan "gurdwara", oo ku yaalla Kabul.

Waxa uu sheegay in israsaaseyn dhexmartay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada Taalibaan, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo nin oo Sikh ah oo loola cararay isbitaal. "Markii hore, dableydu waxay soo tuureen bam gacmeed taasoo sababtay dab ka kacay albaabka agtiisa," ayuu yiri Takor.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq madow oo ka soo baxaya macbadka ku yaal xaafadda Bagh-e Bala ee magaalada Kabul waxaana la maqlay rasaas toos ah.

Unug  ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish ee loo yaqaan Gobolka Daesh-Khorasan ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ka dhanka ah masaajidda iyo dadka laga tirada badan yahay ee dalka oo dhan.

Kooxda Daacish oo ka howlgasha Afgaanistaan tan iyo sanadkii 2014-kii ayaa loo arkaa caqabadii ugu weyneyd ee dhanka ammaanka ah oo soo wajahda hogaamiyayaasha Taliban ee dalkaasi. Tan iyo markii ay la wareegeen awoodda magaalada Kabul iyo meelo kale oo dalkaasi ka tirsan bishii Ogosto ee la soo dhaafay, Taliban waxa ay bilaabeen olole ballaaran oo ka dhan ah Daacish ee ku sugan bariga Afghanistan.

Bishii Maarso 2020, nin hubaysan oo Daacish ah ayaa weerar ku qaaday macbad Sikh ah oo ku yaal Kabul, halkaas oo uu ku dilay 25 qof oo cibaadaysanayay, oo uu ku jiro ilmo, sidoo kale waxa uu dhaawacay siddeed kale.

In ka yar 700 oo Sikhs iyo Hinduu ah ayaa Afgaanistaan ku sugnaa xilligii weerarka 2020. Tan iyo markaas, daraasiin qoys ayaa baxay laakiin qaar badan ma awoodaan dhaqaale ahaan inay u guuraan waxayna ku hareen Afgaanistaan, gaar ahaan Kabul, Jalalabad, iyo Ghazni oo ah magaalooyinka ugu waawayn dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM

Ruushka oo gudaha Ukraine ka bilaabay weeraro rogaal celis ah

Dagaalka oo sii xoogeystay tan iyo Jimcihii, ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran iyo barakac baahsan oo rayidka ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 05:47PM