Qaraxyo mataano ah oo lix sarkaal ku dilay galbeedka Mexico

Image
Gobolka ay weeraraddu ka dheceen ayaa hoy u ah kooxda ka ganacsiga maandooriyaha ee Jalisco New Generation.

MEXICO CITY, Mexico - Mas’uuliyiinta dalka Mexico ayaa ku dhawaaqay in qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay gobolka Jalisco ee galbeedka dalka Mexico ay ku dhinteen lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in falkaas ay ku dhaawacmeen 12 qof. Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli halganka uu dalkaasi kula jiro ammaanka iyo kooxaha dambiilayaasha ah ee awoodda badan.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu qabtay Arbacadii, barasaabka Jalisco, Enrique Alfaro, ayaa ku tilmaamay qaraxyadan "ficil argagax leh oo arxan darro ah". Wuxuu falkaas ku eedeeyay koox aan la magacaabin oo ka ganacsata daroogada.

"Tani waa fal aan horay loo arag oo muujinaya waxa kooxahan daroogada ah ay awoodaan," ayuu Alfaro ku qoray warbaahinta bulshada. "Weerarkani wuxuu sidoo kale u taagan yahay caqabad furan oo ku wajahan dawladda Mexico heer kasta".

Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa ku jira saraakiil booliis ah iyo wakiilo dacwad oogayaal ah. Ma jiro xubno ka tirsan kooxda iskaa wax u qabso oo u muuqda in la dilay.

Dhacdadan ayaa ah falkii ugu dambeysay ee muujinaya caqabadaha kooxaha dambiilayaasha ah ay ku hayaan ammaanka Mexico, halkaasoo ay ku leeyihiin awood la taaban karo.

Gobolka ay Talaadadii qaraxyadu ka dheceen xilli dambe oo habeenimo ah ayaa hoy u ah kooxda ka ganacsiga maandooriyaha ee Jalisco New Generation, oo ah urur awood badan oo inta badan la dagaalama kooxaha kale ee dambiilayaasha ah.

Kooxda Jalisco ayaa lagu eedeeyaa weeraradii hore ee loo adeegsaday qaraxyada iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan, taasoo cadeyn u ah sida casriga ah iyo caqliyada ay wax u dilaan kooxahaasi.

Sanadkii 2022, qaraxyo ayaa dhaawacay 10 askari waxaana ay ku dileen qof rayid ah gobolka deriska la ah ee Michoacan, waxaana qarax gaari looga shakisan yahay uu dhaawacay dhowr xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka ee gobolka Guanajuato bishii hore.

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM