Qasa: Dad badda ku geeriyooday iyagoo ka soo ururinaya gargaar ay diyaarado ku daadiyeen

Image
Dadkan gaajaysan ayaa badda galay si ay u helaan gargaar ay diyaarado ku soo rideen.

Qasa (GO) - Xafiiska warfaafinta ee Xamaas ayaa xaqiijiyay Talaadadii in 18 qof ay dhinteen ka dib markii ay isku dayeen shalay oo Isniin ahayd, inay ururiyaan gargaar ay diyaarado ku soo daadiyeen badda iyo dhulka waqooyiga Marinka Qasa, oo uu ka socdo dagaal ba’an.

Xafiisku wuxuu sheegay in 12 ka mid ah ay ku dhinteen "ka dib markii ay ku qaraqmeen waqooyiga marinka Qasa, halkaas oo daraasiin muwaadiniin gaajaysan ay galeen badda si ay u helaan gargaar ay diyaarado ku soo rideen."

Ururka ayaa intaasi ku daray: "6-kale oo muwaadiniin ah ayaa sidoo kale ku dhintay isbuurasho ka dhacday dhowr meel iyaga oo doonayay inay helaan gargaar ay diyaaradaha soo rideen”.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in 7 qof oo reer Qasa ah ay dhinteen, xilli ay isku dayayeen in ay helaan gargaar ay diyaarado ku soo rideen baarashuudka oo ku dhacay badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM