Qasa: Tirada dhimashada Falastiiniyiinta oo sii korortay

Image

QASA (GO) - Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ku dhintay rasaasta ciidamada Israa’iil ay kor u dhaaftay 10,000 oo qof.

Wasaaradda ayaa sheegtay, "Dhimashada iyo dhaawaca ee dadkeena ah ee ka dhashay duulaanka lagu hayo Marinka Qasa iyo Daanta Galbeed waxay kor u dhaaftay 10,165 qof, iyo ku dhawaad ​​27,000 oo dhaawac ah."

Wasaaraddu waxay ku sheegtay warbixinteeda maalinlah in 10,010 lagu dilay Marinka Qasa, in ka badan 25,000na lagu dhaawacay, Daanta Galbeedna tirada dhimashadu kor u dhaaftay 155, dhaawacana uu yahay 2,250 oo qof.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in in ka badan 70% dadka ku dhintay Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa ay yihiin carruur, haween iyo dad waayeel ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM